Hindiya: Carruur Ku Geeriyootay Dab Ka Kacay Isbitaal ay Ku Jireen

0
233

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Ugu yaraan toban carruur ah oo dhawaan dhalatay ayaa ku geeriyootay dab ka kacay isbitaal ay ku jireen oo ku yaalla gobolka Maharashtra ee dalka Hindiya oo ah gobolka ugu hodansan dalkaas.

Ra’iisul wasaaraha Hindiya mudane Narendra Modi ayaa amar ku bixiyay in baadhitaan degdeg ah lagu sameeyo dhacdadaas xanuunka badan.

Saraakiil ka tirsan waaxda caafimaadka dalka Hindiya ayaa sheegay in waaxda daryeelka gaarka ah ee carruurta markaa dhalatay oo ay ku jireen 17 canug laga soo babaadiyay kaliya 7 canug intii kalena ay geeriyoodeen.

Ra’iisul wasaare Modi ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in wixii isbitaalkaasi ka dhacay ay ahaayeen wax aad looga naxo isaga oo tacsi u diray ehelladii iyo qoysaskii ay ka soo jeedeen carruurtaasi yaryar.

Wasaaradda caafimaadka ayaa iyaduna warbixin ay soo saartay ku sheegtay in carruurtu ay cabudheen markii uu dabku dhacay sidaasina ay ku geeriyoodeen.

Warbixinnada horu-dhaca ah ayaa sheegaya in sababta dhalisay dabkan khasaaraha geystay ay ahayd mid ka timid cillad koronto.

Masuuliyiin iyo siyaasiyiin waaweyn oo uu ka mid yahay hoggaamiyaha mucaaradka Rahul Ghandi ayaa sheegay sida ay uga xunyihiin khasaaraha nafta ah ee uu dabkaasi dhaliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here