Liverpool Oo Iska Xaadirisay Wareega 4-aad Ee FA Cup-ka Kadib Guul Ay Ka Gaareen Aston Villa.

0
225

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda Liverpool ayaa iska xaadirisay wareega 4-aad ee tartanka FA Cup-ka kadib guul ay ka gaadhiin caruurta kooxda Aston Villa.

Qaybta Hore:

Liverpool ayaa sidii la filyaya ku bilaabatay si dar-darleh iyaga oo qaadayay weeraro waali ah sidoo kale samaynayay fursado waali ah.

Daqiiqadii 4-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu madax u dhaliyay xiddiga Sadio Mane kaas oo ciyaarta hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Liverpool aya sii waday maamulista ciyaarta laakiin ku dhibaatooday in ay dhaliso golal kale oo ay ciyaarta ku disho taas oo kalsooni siisay caruurta Aston Villa.

Daqiiqadii 41-aad ayay Caruurta Aston Villa dhaliyeen gool lama filaan ah iyaga oo ka naxsaday Liverpool kadib markii uu xiddiga Louie Barry u dhaliyay goolka kana dhigay 1/1.

Waxa sidaad ku dhamaatay qaybt hore ee ciyaarta iyada oo ay Liverpool xishood kala baxday garoonka maadama ay caruur 18 jiro ah gool ka dhaliyeen.

Qaybta dambe:

Jurgen Klopp ayaa soo canaanrtay kooxdiisa qaybtii dambe isaga oo sidoo kale badalka soo raaciyay Thiago kaas oo ciyaarta wax weyn ka badalay.

Daqiiqadii 60-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Georginio Wijnaldum kaas oo hogaanka mar kale u dhiibay kooxdiisa.

Tababare Klopp ayaa markan badal ku soo galiyay xiddiga Xherdan Shaqiri kaas oo isna saamayn waali ah la soo galay ciyaarta.

Daqiiqadii 63-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 3-aad waxana madax ku dhaliyay Sadio Mane kadib caawin cajiib ah oo uu ka helay xiddiga Xherdan Shaqiri.

Daqiiqadii 65-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 4-aad waxana u dhaliyay xiddiga Mohamed Salah kaas oo sidoo kale baas ka helay xiddiga Xherdan Shaqiri.

Waxa sidaasku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool sidaas isaga xaadirisay wareega xiga ee 4-aad ee tartanka FA Cup-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here