Milkiilaha shirkadda soo saarta gaadiidka koronta ku shaqeeya oo noqday qofka ugu taajirsan dunida.

0
313

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Elon Musk ayaa noqday qofka ugu maalqabeensan caalamka kaddib markii ay hantidiisu gaartay $185 bilyan oo doolar, oo u dhiganta £136 bilyan oo gini.

Ganacsadahan, oo iska leh shirkadda gawaarida korontada ku shaqeeya soo saarta ee Tesla iyo shirkadda SpaceX oo farsameysa dayax gacmeedyada, ayaa darajada taajirnimada ee ugu sarreysa caalamka galay kaddib markii shirkaddiisa Tesla kordhisay qiimaha saamiyada ay iibineyso.

Wuxuu booska ugu sarreeya ee taajirnimada ka saaray milkiilaha suuqa online-ka ee Amazon, Jeff Bezos, kaasoo caalamka maalqabeennimada ku hoggaaminayay ilaa sanadkii 2017-kii.

Shirkadda gawaarida korintada sameysa ee Mr Musk, Tesla, ayaa qiime aad u sarreeya yeelatay sanadkan, wuxuuna qiimaheeda suuqa gaaray $700 oo bilyan oo doolar (£516bn) markii ugu horreysay maalintii Arbacadii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here