Kooxda Barcelona oo guul ka soo gaartay Athletic Bilbao

0
256

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa guul ka soo qaadatay naadiga Athletic Bilbao oo ay booqatay kulan qeyb ka ah horyaalka La Liga, waxaana ay uga soo adkaatay 3-2.

Waxaa xusid mudan in kulankan uu labo jeer shabaqa soo taabtay Lionel Messi oo bandhig cajiib ah sameeyey caawa.

Athletic Bilbao ayaa goolka la horreysay waxaana ay goolka hore uga naxsadeen Barcelona daqiiqaddii saddexaad ee bilowgii ciyaarta, waxaana ugu shubay Inaki Williams kaddib caawin uu ka helay Raul Garcia, Barca ayaana lagu hoggaamiyey 1-0.

Kooxda martida ahayd ee Barcelona ayaa iska soo guday goolkaas, waxaana 14’daqiiqo garbo siman ku soo celiyey ciyaarta oo ka dhaliyey 1-1 da’yarka Barcelona ee Pedri.

Barcelona ayaana hoggaanka ciyaarta la wareegtay inta aan la aadin qeybta nasashada, iyadoo uu si qurux badan goolkeeda labaad u dhammaystiray Lionel Messi, kaddib markii uu cirib u wareejiyey dhaliyaha goolkooda koowaad ee Pedri waxaana lagu kala nastay 2-1 ay ku gacan sarreysay Barcelona.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta markale Lionel Messi ayaa shabaqa soo taabtay isagoo dhaliyey goolkiisa labaad ee kulankan iyo kii saddexaad ee Barca kaddib caawin uu ka helay Antoine Griezmann kulanka ayaana sidaa ku noqday 3-1 ay ku horreysay Barcelona.

Dhammaadkii ciyaarta ayay kooxda martida loo ahaa ee Bilbao gool iska soo celisay waxaana kulanka 3-2 ka dhigay Iker Muniain, sidaas ayuuna kulanku ku soo dhammaaday, iyadoo Barcelona ay guul ka soo qaadatay garoonka San Mames.

Kooxda Barcelona ayaa soo degtay kaalinta saddexaad ee kala sarreynta horyaalka La Liga iyadoo leh 31-dhibcood, halka Bilbao ay ku jirto kaalinta sagaalaad iyadoo leh 21-dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here