Wiil dhalinyaro ah Oo Magaalada Baydhabo ku Wareejiya Bacooyinka Oo dhiira galiyey dhalinyarada Shaqa doonka ah.

0
254

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Daa’uud Xasan Maxamed waa ganacsade ku nool Magaalada Baydhabo waxaa uu jogaa heerkii ugu hooseysey ee laga soo bilaawo ganacsiga uma furna miis ama bakhaar balse 12 sac maalinnimo waxaa uu suuqyada Magaalada Baydhabo ku warejiyaa bacooyin iyo laastiigta lagu xirto lacagta.

Daa’uud Xasan oo shaqadiisa ay tahay wareejinta bacooyinkaani ayaa waxaa uu ku iibiyaa jumlo iyo tafaariiq, Daa’uud ayaa wuxuu ganacsigiisa uu ku xiran yahay Magaalada Muqdisho halkaasi oo jumlo ahaan ugu keensado, Wuxuuna  jumlo iyo tafaariiq ugu iibiyaa Magaalada Baydhabo.

Warkan waxaa inoo haya Siidcali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here