Wariyihii caanka ahaa ee BBC Soomaali oo ku geeriyooday London

0
250

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Wariyihii codka toolmoonaa ee laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Axmed Cabdinuur ayaa maanta ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Wariye Axmed Cabdinuur, oo ay Soomaalidu si weyn magaciisa iyo codkiisaba u yaqaanneen ayaa u geeriyooday xanuunka safmarka ah ee Covid-19, sida ay BBC-da u xaqiijisay xaaskiisa.

Geerida Axmed ayay aad uga naxeen dadka Soomaaliyeed gaar ahaan bahda saxaafadda oo uu rugcaddaayaasheeda ka mid ahaa.

BBC-da oo ka faallootay taariikhda wariyaha ayaa sheegtay in uu shaqaalaha laanta Afka Soomaaliga ka mid noqday bishii June ee sanadkii 1996 isaga oo xilligaa ka soo warrami jiray magaalada Muqdisho.

Horaantii sanadkii 2019-kii ayuu ka fariistay shaqada BBC Soomaali, maadaama ay laanta Afsoomaaliga barnaamijyadeedii London oo dhan usoo wareejisay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sanadkii 2000 ayuu ka shaqo bilaabay xarunta weyn ee ay idaacaddu ku leedahay London oo uu ka shaqeynayay tan iyo horraantii 2019-kii oo uu shaqada BBC-da ka fariistay maadaama ay laanta Afsoomaaliga barnaamijyadeedii London oo dhan usoo wareejisay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Axmed Cabdinur ayaa lagu xusuusan doonaa kaalintii wacnayd ee u uku lahaa horyaalnimada saxaafadda iyo waliba 25 sano oo uu la soo sha qeeyay idaacadda ugu magaca dheer warbaahinta Soomaalida ee BBC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here