Kooxda Manchester City oo garoonka Stamford Bridge guul weyn kaga soo gaartay Chelsea

0
285

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa Chelsea guul weyn oo 3-1 ah kaga soo gaartay Chelsea, garoonkeeda Stamford Bridge.

Kooxda Manchester City ayaa goolal deg deg ah ku bilowday Chelsea oo ay marti u ahayd kulan ka tirsan horyaalka Premier League, waxaana goolka hore u daah furay 18’daqiiqo Ilkay Gundogan, kaddib markii uu laad xooggan dhex dhigay shabaqa Blues markii uu baas caawin ah ka helay Phil Foden, kooxda Tababare Lampard ayaana lagu hoggaamiyey 1-0.

Sky Blue ayaa hoggaanka ciyaarta dheereysay markii uu goolka labaad u dhaliyey 21’daqiiqo Phil Foden, kaddib caawin uu ka helay Kevin De Bruyne, da’yarkan ayaana kubbad aan xooganayn dabamariyey goolhayaha Chelsea ee Edouard Mendy, Blues ayaana markale lagu hoggaamiyey 2-0.

Xaaladda Chelsea waxa ay sii xumaatay, markii goolka saddexaad loogu shubay 34’daqiiqo, waxaana kubbad dabamareyn ahayd oo ay heshay Man City loo tuuray Raheem Sterling kaasoo birta ku dhuftay kubbad markii ay soo laabatayna waxaa dhammaystiray Kevin De Bruyne, Man City ayaana yeelatay saddex gool, iyadoo lagu kala nastay 3-0 oo ay qeybta hore iska lahayd kooxda martida ahayd ee Manchester City.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad Man City wax gool ah ma dhalin inkastoo kubbad haysashada ay ku wanaagsanayd Chelsea haddana kulanka ayaa 45-daqiiqo ee dambe ku dhammaaday 3-0 looga gacan sarreeyey Chelsea.

Garsooraha ciyaarta ayaa labo daqiiqo oo waqti daayac ah ku daray kulan, waxaana intii labadaas daqiiqo lagu guda jiray ee Chelsea la timid halka gool oo ay kulankan dhalisay waxaana u dhaliyey Callum Hudson-Odoi kaddib baas uu u soo dhigay Kai Havertz oo ciyaarta bedel ku soo galay kulanka ayaana ku soo dhammaaday 3-1 guul looga gaaray Chelsea.

Manchester City ayaa haatan soo gashay kaalinta shanaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, iyagoo dhibcaha la wadaaga Tottenham oo ku jirta kaalinta afaraad, halka Chelsea oo aan guuleysan saddexdeedii kulan ee ugu dambeysay horyaalka ay ku jirto kaalinta 8-aad, iyadoo leh 26-dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here