Real Madrid Oo U Awood Sheegatay Celta Vigo.

0
256

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Real Madrid ayaa guul ay u qalantay waxa ay ka gaareen Celta Vigo kuwaasi oo aan soo bandhigin ciyaar muuqata

Inkastoo lagu nastay gool ay Real laheyd hadana qeybtaas hore ma jirin fursado badan waxaana kubadda ku badnaa Real

Real , kubadda iyaga ayaa haystay waa ayna sameynayeen isku dayo kale duwan balse ma aysan sameyn kuwo halis u muuqday.

Goolka lagu nastay ee Real ayaa yimid biloowgii ciyaarta waxaana dhaliyay Lucas Vazquez daqiiqaddii 6-aad ka dib kubad baas ah oo uu ka helay Marco Asensio .

Real , qadkooda dhexe aad ayuu u wacnaa waana halka hindisaha uu ku imaanayay ,waxa ayna kooxda Celta Vigo ka sheeganeysay in kubadda cagtooda ku daahdo waxa ayna inta badna ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah balse ma aheyn kuwo halis ah.

Qeybta labaad , Real iyaga ayaa maamulka kubadda ku sareeyay waana laga filan karay gool labaad marka la eego sida ay uga go`neyd in kubadda gaarsiiyaan afka hore Celta Vigo.

Dadaalkaas , waxa ay Real ku keeneen gool labaad waxaana dhaliyay Marco Asensio waxaana ka shaqeeyay Lucas Vazquez daqiiqadii 53-aad.

Ka dib dhacadaas, Real goolal kale ayay ku sigeen Celta Vigo balse nasiibka ayaa ka maqnaa , waxa ayan kooxdaas martida ah ku tiirsanaayeen kubadha rogaal celiska ah balse go`aano deg deg ah ayay qaadanayeen xilli Real daqiiqadii 74-aad soo giliyeen Hazard oo loo saaray Marco Asensio

Dhamaadkii Celta Vigo waa ay soo weerar tagayeen balse daafac Real ahaa mid foojigan  xilli goolhayahana uu bad baadiyay kubad halis aheyd waxa uuna Zidane daqiiqadii 85-sameeyay sedex iyadoo la soo giliyay Vinicius Junior, Oedegaard iyo Valverde .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here