Manchester United oo garoonkeeda Old Trafford guul kaga gaartay kooxda Aston Villa

0
272

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford guul kaga gaartay kooxda Aston Villa, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, xilli ciyaartay ay qeyb ka aheyd kulamada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester United.

Daqiiqadii 40-aad kooxda Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Anthony Martial, kaddib markii auu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Aaron Wan-Bissaka.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 58-aa kooxda Aston Villa ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay Bertrand Traore, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkis Jack Grealish.

Laakiin 61 daqiiqo marka ay dheeshu mareysay kooxda kooxda Manchester United ayaa loo dhigay rigoore lagu galay Paul Pogba, waxaana gool ka dhigay Bruno Fernandes, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 2-1 ay ku hoggaamineysay United-ka.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-1 ay Manchester United kaga adkaatay kooxda Aston Villa oo marti uga aheyd garoonka Old Trafford, guushan ay gaartay United-ka ayaa waxay ka dhigan tahay inay ku dhibco noqotay hoggaamiyaasha horyaalka ee Liverpool, waxayna wadaagaan min 33 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here