Mareekanka oo amar kasoo saaray cuntada lasiiyo ilamaha kayar labada sano

0
322

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay shuruucdeedii ugu horreeyay ee cuntada oo faahfaahsan, kuwaasoo loogu talo galay dhallaanka iyo carruurta.

Warbixin uu soo saaray guddiga talobixinta cuntada, ayaa lagu sheegay in qorshuhu uu yahay in carruurta ka yar labo sano aan cuntada wax sokor ah loogu darin.

Wuxuu sidoo kale guddigu ku taliyay in haddii ay suurto gal tahay carruurta keliya la siiyo caanaha naaska ilaa ay ka gaarayaan lix bilood.

Guddiga ayaa tobankii sanaba labo jeer soo saara warbixin ku saabsan nafaqada. Talooyinkan ayaa lagu dhaqmi doonaa shanta sano ee soo socota.

Sida laga soo xigtay khubarrada, in ka badan kala bar dadka qaangaarka ah ee Mareykanka waxay qabaan cudurro raaga oo la xiriira cuntada. Talooyinkan ayaa lagu xusay in tan iyo markii ugu horreysay ee la soo saaray sanadkii 1980, ay dadka Ameerikaanka ah noqdeen kuwo ka walaaca caafimaadkooda.

Warbixinta ayaa caadi ahaan diiradda lagu saraa nafaqada ku saleysan sayniska ee loogu talo galay dadka qaangaarka ah iyo carruurta, balse sanadkan waxaa lagu soo daray dhallaanka, si ay nafaqo ku habboon u helaan sanadaha ugu horreeya noloshooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here