Baarlamaanka UK oo ansixiyay heshiiska ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub

0
321

Xildhibaannada UK ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay heshiiska kaddib ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

Heshiiska ayaa helay 521 cod.

Ra`iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa goor hore ku boorriyay baarlamaanka inay taageeraan heshiiskiisa kaddib ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

Wuxuu sheegay in heshiisku uu oggolaanayo in ganacsatada ay xiriir ganacsi oo ballaaran ay la yeeshaan Midowga Yurub, mid ka ballaaran kii markii ay Britain ka tirsaneyd suuqa qura ee Midowga oo ay isaga baxayso Jimcaha. Wuxuu sheegay in heshiisku uusan ahayn dhammaad balse uu yahay bilow. Wuxuu xusay inuu bog cusub ka furi doono taariikhda qaranka, uuna waddo fiican u horseedi doono Britain.

Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ee Brussels ayaa hore u saxiixay heshiiska. Madaxweynaha Guddiga Yurub Ursula von der Leyen ayaa sheegtay inay tahay xilligii Britain la iska illaabi lahaa. Wuxuu heshiisku soo afjarayaa kala go`id soo bilaabatay afar sano iyo bar kahor markii codbixinta aftida la qaaday lagu go`aamiyay in UK ay isaga bixi doonto Midowga Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here