DEG-DEG: Kulan Kale Oo Premeir League Ah Oo La Kansalay & Xanuunka Korona Oo Sabab U Ah.

0
349

Kulankii caawa dhexmari lahaa kooxaha Tottenham iyo Fulham ee horyaalka premier League ayaa la kansalay sabab la xidhiidha xanuunka Korona sida la xaqiijiyay.

Kooxda Fulham ayaa diwaan galisay tiro xiddigo ah oo laga helay xanuunka Korona todobaadkan taas oo keentay in la kansalo kulankooda caawa.

Kulanka ayaa loo balansanaa in uu soo dhoco 9:00 Fiidnimo ee caawa laakiin haatan waxa la xaqiijiyay in uuna kulanku dhici doonin sabab la xidhiidha xanuunka.

Xanuunka ayaa fara baas ku haya premier League wakhtigii ugu dambeeyay iyada oo la diwaan galiyay 18 xiddig oo laga helay xanuunka kana tirsan kooxaha premier League.

Kulankan ayaa noqon doona kulankii 3-aad ee la kansalo sabab la xidhiidha xanuunka Korona kadib kulamadii Newcastle Vs Aston Villa iyo Everton Vs Man City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here