Mikel Arteta Oo Loo Sheegay Sababta Ay Tahay In Uu Kaydka U Dhigo Pierre-Emerick Aubameyang

0
351

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Lee Dixon ayaa tabaabraha kooxda Arsenal u sheegay in uu kaydka dhigo kabtankiisa Pierre-Emerick Aubameyang kulamada soo socda sabab la xidhiidha in uu ka faa’iidi doono.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa seegay kulamadii ugu dambeeyay sabab la xidhiidha dhaawac kuraanta ah Laakiin Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ku fashilmay in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo xilli ciyaareedkan.

Lee Dixon oo la hadlaya talkSPORT Ayaa yidhi” Ma jirto cid ka weyn kooxda, waxana laga yaabaa in uu Mikel Arteta is waydiinayo, “waxa aan samaynay fursado badan isaga oo uu Aubameyang naga maqan yahay”.

“Waa in uu Aubameyang kaydka dhigo dhawr kulan si uu u daawado ciyaarta sababta oo ah wax badan ayaad ka baranaysaa marka aad kaydka fadhido”.

“Waxa aan rajaynayaa in uuna ciyaarsiin labada kulan ee soo socda si uu u nasto waxna uga barto kaydka”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here