Banaadir Oo U Soo Baxday Finalka koobka maamul goboleedyada

0
327

Gobolka Banaadir ayaa markii ugu horeysay abid u soo baxay finalka koobka maamul goboleedyada ee Muqdisho ka socda ka dib markii ay kulankii semi-finalka ee maanta ay 3-1 ku xaaqeen kooxda Koonfur Galbeed ciyaar xiiso badneyd oo ka dhacday garoonka Eng Yariisow.

Banaadir ayaa hogaanka ku hormartay qeybtii hore ka hor inta aysan hogaanka dheereysan qeybtii labaad iyadoo Koonfur Galbeed ay soo ceshteen laakiin Banaadir ayaa dhamaadkii ciyaarta dhalisay goolkii seddexaad oo ay guusha ku xaqiijisteen.

Banaadir waxay finalka la ciyaari doontaa markii ugu horeysay abid kooxda Galmudug oo shalay ka soo gudubtay Puntland.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si xamaasad leh laakiin labada kooxood ma aysan abuurin qeybtii hore fursado badan iyadoo koontaroolka khadka dhexe ay aheyd goobtii ugu weyneyd ee ay labada kooxood ku dagaalamayeen.

Laakiin daqiiqadii 41aad kooxda Banaadir ayaa hogaanka la wareegtay markii karoos gaaban oo laga soo dhigay garabka midig uu la gudbay Nageeye Deeq ka dib qalad difaacasho uu sameeyay xiddiga kooxda Koonfur Galbeed Baroodo isagoo Nageeye Deeq uu si habsami leh shabaqa u dhex dhigay kubada.

Taageerayaasha martigelinaya koobkaan ee Banaadir ayaa si waali ah ugu dabaaldegay goolkaan iyadoo sawaxanka garoonka uu si weyn u kacay, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay Banaadir hogaanka ku heysay.

Daqiiqadii 51aad kooxda Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaatay inay barbareyso ciyaarta markii laad xor ah oo ay tuureen oo la madaxeeyay ay birta ku garaaceen.

Afar daqiiqo dib Koonfur Galbeed waxay heleen fursad kale oo gool loo fishay, karoos ay ka soo qaadeen garabka midig waxaa madax halis ah la geley Qurumbu laakiin waxaa si fantastik ah faraha fiidooda ku bixiyay goolhayaha Banaadir Hanad.

Laakiin kooxda gobolka Banaadir ayaa ciyaarta hurdo u dirtay daqiiqadii 58aad markii Ibrahim Ilyas uu kubad uu ka qaatay xiddigaha Koonfur Galbeed uu si farsamo leh u dhexmaray dhowr xiddig oo Koonfur Galbeed ah ka hor inta uusan kubada shabaqa si hamsami leh u dhex dhigin, wuxuu ahaa gool xirfadeysan.

Daqiiqadii 62aad Banaadir ayaa ku dhawataay inay hesho goolka seddexaad markii kubad gool loo fishay oo ka baxday lugta Jalla uu badbaadiyay goolhayaha Koonfur Galbeed iyadoo kubadii ku celiska aheyd ay Banaadir dusha sarre marsiisay.

Daqiiqadii 63aad Koonfur Galbeed ayaa ciyaarta ku soo laabatay iyagoo gool soo ceshtay markii Maxamuud Ibraahim oo bedel ku soo galay uu madax ku dhaliyay kubad koorno aheyd oo la soo qaaday.

Laakiin Banaadir ayaa daqiiqadii ku xigtay heshay fursad kale oo dahabi aheyd, Jalla oo kubad oo ay isku soo dhiibeen Ibrahim Ilyas ayaa kubad kantaal ah ku tuuray goolka Koonfur Galbeed laakiin waxaa faraha cidadooda ku bixiyay goolhayaha.

Dhamaadkii ciyaarta kooxda Banaadir ayaa wacdarro dhigtay iyagoo dhowr jeer ku dhawaaday inay shabaqa soo taabtaan, Idiris ayaa birta u garaacay Koonfur Galbeed ka dib kubad macaan uu ka soo qaaday garabka midig ee xerada goolka.

Laakiin Idiris ayaa ciyaarta hurdo u diray daqiiqadii 81aad markii Idiris Maxamed Bilaal uu madax ku dhaliyay karoos la soo dhigay, goolkaan ayaa ahaa mid muran dhaliyay iyadoo ay ka baxsatay gacmaha goolhayaha Koonfur Galbeed ka hor inta uusan bixin laakiin garsooraha ayaa tilmaamay inay kubada dhaaftay xariiqda goosha.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-1 oo ay kooxda Banaadir ku garaaceen Koonfur Galbeed. Banaadir waxay finalka ku balansan yihiin Galmudug oo shalay soo reebtay Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here