Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Saxiixay Miisaaniyadda Sanadka 2021

0
279

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( Cumar Filish) ayaa Maanta saxiixay Miisaaniyadda sanadka 2021 ee Maamulka Gobolka Banaadir, kadib markii ay meel mariyeen guud ahaan Masuuliyiinta kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Tirada guud ee Maamulka ee Goobta fadhiyey ayaa waxay aheyd 65 Ergo, Waxaa ansixiyey Miisaaniyadda 62 Ergo, waxaa diidey 0 waxaana la aamustay 3 Ergo.

Miisaaniyadda sanadka 2021 ee Maamulka Gobolka Banaadir ee la meel mariyey ayaa noqoneysa $36,857,503.00.

Ansixinta Miisaanidda Gobolka Banaadir ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku Xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Gobolka iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here