Kadib Ciyaar Xiiso Lahayd Xulka Galmudug Oo Markii Ugu Horeeyay Iska Xaadiriyay Finalka Tartanka Maamul Goboleedyada Somaliya.

0
343

Xulka maamul Goboleedka Galmudug ayaa markii ugu horaysay iska xaadiriyay Finalka tartanka maamul goboleedyada Somaliya kadib guul ay ka gaadheen xulka Puntland ciyaar xaraarad lahayd.

Kulanka ayaa ku bilowday si dar-dar leh iyada oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah oo ay ku doonayeen goolal.

Xulka Galmudug ayaa ciyaarta hogaanka u dhiibtay daqiiqadii 3-aad kadib markii uu xiddiga Maxamed Maxamuud u dhaliyay goolka hogaank.

Laakiin Puntland ayaa si deg-deg ah ugu jawaabtay iyaga oo uu goolka bar-baraha u dhaliyay xiddiga Cabdi Qani Axmed kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada xul ku kala bexeen bar-baro waliba soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u soo jiitay dadkii daawanayay.

Xilli ciyaartu u socotay si qurux badan oo weerar iyo weerar celis ah ayuu xulka Galmudug mar kale hogaanka u qabtay ciyaarta iyada oo uu u dhaliyay xiddiga Maxamed Maxamuud kaas oo noqday halyeeyga xulkiisa.

Xulka Puntland ayaa isku dayay in ay ciyaarta ku soo laabtaan iyaga oo cadaadis waali ah saaray xulka Galmudug laakiin xulka Galmudug ayaa si fiican u difaacday.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Galmudug iska xaadiriyay finalka koobka maamul Goboleedyada Somliya markii ugu horaysya taariikhdooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here