Barcelona Oo Ka Hadashay Xaqiiqada Wararka La Xidhiidhinaya Daafaca Arsenal Ee Shkodran Mustafi

0
241

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay meesha ka saartay wararka la xidhiidhinaya saxiixa xiddiga kooxda Arsenal ee Shkodran Mustafi inkasta oo uu wakiilka xiddigu xaqiijiyay in uu la kulmay Barcelona si uu ugala hadlo saxiixa xiddiga Shkodran Mustafi.

Shkodran Mustafi ayaa ka baxay qorshaha Tababare Mikel Arteta isaga oo ciyaaray kaliya 44 daqiiqo premeir League tan ilaa markii uu Mikel Arteta yimid.

xiddiga 28 jirka ah ayaa noqon doona xiddig xor ah xagaaga dambe waxana uu bisha january wadahadalo la furi karo kooxaha reer yurub.

Wakiilka xiddiga ayaa sheegay in uu magaalada Barcelona u tagay si uu kooxda ugala hadlo saxiixa xiddiga reer Germany suuqa xagaaga.

Laakin wargayska Mundo Deportivo aya sheegay in ay Barcelona gabi ahaan beenisay in ay wax xiiso ah u qabto saxiixa xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here