Liverpool Oo Premier League Ka Calaamadsatay Badalka Mohamed Salah Hadii Uu Ka Tago Kooxda.

0
275

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay kabtanka kooxda Aston Villa ee Jack Grealish u calaamadsatay badalka Mohamed Salah Hadii uu xiddigu ka tago kooxda.

Mustaqbalka Mohamed Salah ayuu shaki weyn ku jiraa todobaadyadii ugu dambeeyay kadib markii uu Albaabka u furay ku biirsta kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

Waxa wararkaas ka dambeeyay warar sheegaya in uuna xiddiga Mohamed Salah ku faraxsanayn kooxda waliba doonayo in uu isaga tago.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay Kooxda Liverpool xiddiga Jack Grealish u calaamadsatay badalka Mohamed Salah Hadii uu xiddigu ka tago kooxda.

Grealish ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda Aston Villa tan ilaa markii uu kooxdiisa ku soo celiyay premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here