Luke Shaw Oo Liverpool U Diray Digniin Ku Aadan Horyaalka Premier League.

0
242

Xiddiga daafaca Uga ciyaara kooxda Man United ee Luke Shaw ayaa sheegay in ay kooxdiisu awood u leedahay ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kadib guulihii ugu dambeeyay.

Man United ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Leeds United kulankoodii ugu dambeeyay kulan ka dhacay Old Trafford Axadii hore.

Red Devils ayaa haatan kaliya 5 dhibcood ka dambaysa kooxda hogaaminaysa horyaalka ee Liverpool xilli ay hal kulan gacanta ku haystaan.

Luke Shaw oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Marka la eego sida uu horyaalku u socdo xilli ciyaareedkan waa ceeb in laga shakiyo awooda kooxdeena”.

“Waxan u malaynayaa in aan ku guulaysan karno horyaalka premier League hadii aanu sii wadno guulaha ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here