Wasiirka Maaliyadda dowladda Soomaaliya Dr. Cabdirahman Ducaale Beyle ayaa xafiiskiisa ku saxiixay heshiisyada Deyn Cafinta oo hore ay u soo saxiixeen masuuliyiinta dalalka ku bahoobay Naadiga ParisĀ āParis Clubā.
Saxiixaan ayaa daba socda goāaankii ka soo baxay shirkii dhacay 31-kii Maarso ee sanadkaan 2020 kuwaasi oo Soomaaliya looga saamaxay lacag dhan 1.4 Bilyan,oo lacagta doolarka Mareynkanka.
Sidoo kale heshiiska shirkaasi qodob ka mid ah uu dhigayay in Soomaaliya ay dal waliba gooni ula saxiixato inta uu ka saamaxay, waxaana dowladda ay heshiiska la saxiixatayĀ Ingiriisk, Denmark iyo Netherlands.
āIsu geynta lacagta ay saamaxeen Sadexdaan dowladood waa England, Denmark iyo Netherlands. waxaana ay gaareysaaa lacag dhan $69.9 million oo doolarka Mareykankaā ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaal xoog oo ku aadan Arrimaha deyn cafinta dalka, isla markaana waxaa xusid mudan in dowladda horey looga Cafiyay lacago aad u badan oo deyn ahaa loogu lahaa.