Wakhtiga Ay Barcelona Qorshaynayso In Ay Ku Dhawaaqdo Saxiixa Daafaca Man City Ee Eric Garcia Oo La Ogaaday.

0
199

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso in ay ku dhawaaqdo saxiixa daafaca kooxda Man City ee Eric Garcia marka la gaadho suuqa January inkasta oo uuna xiddigu kooxda iman doonin ilaa xagaaga dambe.

Garcia ayaa qaab ciyaareed fiican u soo bandhigay Man City xilli ciyaareedkii hore isaga oo boos joogto ah ka helay kooxda Pepe Guardiola.

Si kasta ha ahaatee xiddiga 19 jirka ah ayaa iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda isgaa oo doonaya in uu ku laabto Barcelona xagaaga.

Idaacada Catalunya Radio ayaa sheegaya in Garcia uu ku laaban doono kooxda Barcelona waliba si xor ah ugu biiri doono xagaaga.

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay xiddiga heshiis ka saxiixato suuqa January laakiin u ogolaato in uu dhamaysto heshiiskiisa kooxda Man City kadib si xor ah ugu biiro kooxda xagaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here