Man United Iyo Man City Oo Talaabo U Qaaday Saxiixa David Alaba, Maxay Sameeyeen?

0
233

Manchester United iyo Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku hayaan saxiixa daafaca Bayern Munich David Alaba bisha January.

Iyadoo ay ka harsan tahay kaliya lix bilood qandaraaskiisa, Alaba ayaa soo jiitay xiiso ballaaran oo kooxaha waaweyn ee yurub ah kuwaas oo doonaya in ay helaan saxiixiisa.

Kooxda Chelsea ayaa si aad ah loola xiriirinayay inay lasoo wareegeyso 28 jirkaan, iyadoo Frank Lampard uu weli raadinayo daafac cusub.

Si kasta ha ahaatee wargayska AS ayaa sheegayya in ay kooxah Man United iyo Man City wadahadalo la fureen wakiilak xiddiga Alaba.

Inkasta oo ay Bayern Munich diidantahay in ay xiddiga fasaxdo marka uu furmo suuqa January hadana labada kooxood ayaa doonaya in ay helaan saxiixiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here