Man City Oo Taako Kala Kulantay West Brom

0
287

Manchester City ayaa niyadjab weyn kala kulantay kulankii ay gurigooda kula ciyaareen West Brom iyagoo barbaro 1-1 ah lagu qabtay xilli natiijooyinka Premier League ay isku bedeleen kuwa aan la saadaalin karin.

Labada kooxood waxay soo bandhigeen ciyaar degdegsiimo leh iyadoo goolhayaha Man City Ederson uu fursad ka badbaadiyay West Brom ka hor inta uusan Gundogan hogaanka u dhiibin kooxda Pep Guardiola daqiiqadii 30aad ee ciyaarta.

Manchester City maamulka kubadda iyaga ayaa lahaa balse meel ay marsiiyaan ayay waayeen oo daafaca ka soo horjeeda waxa uu ahaa mid isku xiran waxa ayna ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah illaa ay  City ku qasbeen in gool ay si qaldan isaga dhaliyaan waxaana sidaas daqiiqaddii 40aad sameeyay Diaz .

Qeybtii labaad Man City si waliba ayay u wareereen kooxda martida aheyd fursadana waa ay qasaarinayeen iyadoo goolhayaha uu ka horistaagay inay shabaqa soo taabtaan mar kale, halka West Brom ay maciin bidayeen kubadaha rogaal celiska ah.

Daafaca kooxda martida  waxaa mooday in ay ka tira  badan yihiin City marka la eego sida ay isugu xernaayeen waxaana kooxda Pep ka maqnaa xalka si walba oo ay kubadda u maamuleen.

Pep si uu xal u helo waxa uu daqiiqadi 75-aad soo giliyeen Walker iyo Aguero oo loo saaray Mendy iyo Foden , waxaana xusid mudan in City kulankaan ay mudnaayeen in ay helaan goolal dheeraad ah marka la eego hanaankii ay ku soo muuqdeen .

Daqiiqadihii ugu danbeeyay ciyaarta Manchester City waxaa soo martay fursado waa weyn oo goolol loo fishay laakiin waa ay u noqon weysay.

Ciyaarta waxay ku soo dhamaatay barbaro gool iyo gool ah iyadoo Manchester City lagu dhegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here