Xaaladda bina’aadanimo ee gobolka Tigrey oo laga deyrinayo

0
230

Ku dhawaad 2.3 milyan oo caruur ah oo ku nool gobolka tigrey ee wuqooyiga dalak Itoobiya ayaa waxaa laga jaray oo aysan suurgal ahayn in gargaar la gaarsiiyo, xilli ay wali dagaalo ka sii socdaan gobolkaasi, sidaasi waxaa ka digtay Qaramada Midoobey.

“Difaacidda caruurtan oo badankood ah qaxooti ku barakacay gudaha dalkood waa in mudnaanta la siiyaa”, waxaa sidaasi sheegtay hay’adda Qaramada Midoobey u qabailsan caruurta ee Unicef.

Iyada oo ay jirto heshiisyo lala galey dowladda Itoobiya ayaa hadana hey’adaha gargaarka waxay sheegayaan in loo diiday inay galaan gobolka Tigrey.

Ciidamada dwoladda fedaraalka ayaa tan iyo 4 November gobolkaasi kula dagaalamayay xoogaga TPLF.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in gobolka ay gacanta ku dhigtay islamarkana uu dagaalka dhamaaday.

Balse xoogagga TPLF ayaa waxay sheegeen in dhowr goobood ay wali dagal kala jiraan.

Boqolaal amaba kumannaan qof ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay dagaaladaasi goboilka Tigrey.

Waxaa sidoo kale ku barakacay dad gaaraya 50,000 oo u talaabay dhanka xuddduuda Sudan.

Bayaaan ay soo saartay hay’adda, Unicef ayaa lagu yiri: “mar walba oo dib u dhac ku yimaado in caruurtaasi la gaarsiiyo mucaawino waxay xaaladda noqonaysaa mid ka sii darta waxaana sii dhamaanaya cunnooyiinka nafaqeysan ee caruurta”

Qaramada Midoobey ayaa ku baaqaysa in si shuruud la’aan ah ay dowladda Itoobiya u ogolaato in gargaarka bina’aadnimo la gaarsiiyo qoysaska u baahan.

Dowladda Itoobiya iyo TPLF midna kama hadal arrintan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here