Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in dadaal wadajir ah loo qaado horumarinta Soomaaliya

0
259

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo dowlada Soomaaliya si loo xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah ee ku saabsan qorshaha Belt and Road Initiative (BRI) si ay uga faa’iideystaan ​​dadka labada dal.

Xi ayaa hadalkan ka sheegay isweydaarsiga dhambaallada hambalyada ah ee uu u diray dhigiisa Soomaaliya oo loogu dabaal degayay sanad-guurada 60-aad ee xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Lixdankii sano ee la soo dhaafay, Xi wuxuu xusay in Shiinaha iyo Soomaaliya ay waligood isfahamsanaayeen, iscaawinayeen oo ay is taageereen si kasta oo ay xaaladda caalamku isu beddesho.

Wuxuu xusuustay in intii lagu guda jiray shirkii Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) ee Beijing bishii Sebtember 2018, oo ku saabsanaa horumarinta xiriirka labada dal, iyo in tan iyo bilowgii COVID-19, ay labada dhinac gacmaha is qabsadeen si ay ula dagaallamaan aafada.

Waxaa uu carabka ku adkeeyay inuu ahmiyad weyn siinayo horumarinta xiriirka Shiinaha iyo Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here