Man United Oo Shaacisay Qiimaha Ay Kaga Samri Karto Paul Pogba

0
242

Xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba ayaa lagu soo waramayaa in loo ogolaan doono in uu isaga tago kooxda Man United hadii laga soo gudbiyo dalab lacageed oo dhan 50 milyan oo euro.

Wakiilka Pogba ee MinoRaiola ayaa sheegay bilowgii todobaadkan in uuna Xiddiga reer France ku faraxsanayn kooxda Man United waliba doonayo in uu isaga tago kooxda suuqa January.

Isla wakiilka xiddiga ayaa sheegay in uu Pogba midkood ku biiri karo kooxda Real Madrid ama Juventus marka uu furmo suuqu.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Man United Aqbashay in la gaadhay wakhtigii ay xiddiga u ogolaan lahayd in uu isaga tago kooxda.

Isla wargayska ayaa sheegaya in Red Devils diyaar u tahay in ay xiddiga ka iibiso koox walba oo miiska saarta lacag dhan 50 milyan oo euro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here