Mikel Arteta Oo Kashifay Kulamada Uu Thomas Partey Garoomada Ka Maqnaan Doono.

0
231

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa warbixin wal-wal leh bixiyay xaalada dhaawac ee xiddiga khadka dhexe ee Thomas Partey.

Thomas Partey oo kulankii Tottenham ka soo laabtay dhaawac uu muddo ku maqnaa ayaa isla kulankaas dhaawac uga baxay qaybtii hore.

Ka hor kulanka Dundalk ee Europa League ayuu Mikel Arteta ka warbixiyay xaalada xiddiga khadka dhexe ee reer Chana.

“Waxa uu ka dhaawacmay isla booskii hore laakiin ma ahan dhaawacii hore oo kale”ayuu Arteta yidhi.

“Waxa uu maray baadhitaan waxana uu muujiyay dhaawac soo gaadhay, waxana uu seegi doonaa kulamo dhawrka ah ee soo socda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here