Tirada dhimashada Cudurka Covid 19 ee Mareykanka oo sare u kacday

0
238

Dalka Mareykanka waxaa sare usii kacaya tirada uu ku dhacayo iyo inta u geeriyooneysa xanuunka Covid-19 oo si daran usoo laba kacleeyay.

Khamiistii waxaa u geeriyootay ku dhowaad sedex boqol oo qof, waxaanu isla maalintaas soo ritay in kabadan laba boqol iyo toban iyo todoba kun oo ruux.

Xarunta Xakameynta iyo kahortagga cudurrada Mareykanka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaanno CDC ayaa soo saartay tusmooyin hor leh oo ay uga gol leedahay kahor tagga xanuunkan sii faafaya.

Tirada uu ku dhacay Cudurka ayaa gaartay 14,772,535 sidoo kale tirada dhimashada ayaa noqotay 285,550, halka tirada ka bogsatay lagu qiyaasay 8,658,882 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here