Boqorka dalka Spain oo laga helay Covid-19.

0
238

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Boqorka dalka Spain ayaa waxaa laga helay xanuunka Covid-19, xilli uu dalkaasi ku siibaahayo.

Boqor Felipe VI oo 52 sano jir ah ayaa waxaa u bilaabmay 10 maalin oo uu kujirayo xaalad karantiil ah, maadama laga helay Fayraska.

Boqorka wadanka Spain ayaa lasheegay in xanuunka uu Axadii u gudbiyay shaqsi kale, balse wax faahfaahin oo intaasi ka dheer lagama bixin.

Haatan dalka Spain guud ahaan dadka xanuunka laga helay waxa ay ku dhaw yihiin 1.6 milyan oo ruux halka sidoo kale tirada dhimashada ay gaareeso 43,131 ruux, tan iyo markii uu Fayska gaaray wadankaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here