Koonfur Galbeed Oo Magacaawday Mas’uuliyiin Dhowr Ah (Wareegto)

0
283

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Abuukar Cabdi ayaa Agaasimeyaal dhowr ah u kala magacaabay degmooyin ka tirsan Koonfur Galbeed.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed Abuukar ayaa waxaa lagu magacaabay 8 Agaasime waaxeedyo ee dhul bixinta ee degmooyinka kala ah, Afgooye, Wanla-weyn, Marka, Baraawe, Baydhabo, Bardaale, Xudur iyo Ceelberde.

Dhammaan Agaasimeyaasha waaxda dhulalka ee la magacaabay ayaa waxaa la faray inay si toos ah u gutaan waajiibaadkooda shaqo ee idmaday, isla markaana ay la shaqeeyaan maamulada degmooyinkooda.

Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca is qab-qabsi la xiriira dhinaca dhulalka, waxaana Agaasimeyaasha la tilmaamay in loo magacaabay baahi jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here