Dalalka Yurub qaarkood oo dib u soo celiyay xayiraada COVID 19

0
251

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Magaalooyinka Helsinki, Espoo iyo Vantaa iyo hareeraheeda oo kamid ah Dalka Finland ayaa la go’aamiyay xayiraado cusub laga bilaabo 23.11.2020 waxaana ay socon doonaantaa mudo saddex toddobaad ah, taasoo ay ujeedadeedu tahay sidii lagu joojin lahaa faafista feyruska corona.

Midka ugu weyn xayiraadahaas cusub ee la soo rogay waa, in kulamada guud ee gudaha lagu qabanaayo ama la isugu imaanaayo aanay ka badnaan karin 20 qof. Taa macnaheedu waa in munaasabadaha isboortiga iyo xafladaha kale sida riwaayadaha, aan la qaban karin mudadaas saddexda toddobaad ah ee soo socota, iyadoo intaa kahorna ay howlwadeennada dowladdu arrinka qiimeyn ku sameyn doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here