Tottenham oo hoggaanka u qabatay Horyaalka Premier League kaddib markii guuldarro xanuun badan gaarsiisay kooxda Man City

0
430

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Tottenham Hotspur ayaa guuldarro xanuun badan gaarsiisay kooxda Manchester City, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League, Spurs ayaana si ku meelgaar ah hoggaanka ugu qabatay dhanka kala sarreynta horyaalka.

Tottenham Hotspur ayaa guuldarro xanuun badan gaarsiisay kooxda Manchester City

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaaminayeen wiilasha José Mourinho ee kooxda Tottenham Hotspur.

Daqiiqadii 5-aad ee bilawogii ciyaarta Tottenham Hotspur ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Heung-Min Son, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Tanguy Ndombele.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 65-aad Tottenham Hotspur ayaa dhalisay goolkeedii labaad waxaana 2-0 ka dhigay ciyaarta Giovani Lo Celso, waxaana goolkan si qurux badan u caawiyay kabtanka kooxda ee Harry Kane.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay kaga adkaatay Tottenham Hotspur, kooxda Manchester City oo marti ugu aheyd Tottenham Hotspur Stadium, Spurs ayaana si ku meelgaar ah hoggaanka ugu qabatay dhanka kala sarreynta horyaalka Premier League, kaddib markii ay uruursatay 20 dhibcood, 9 kulan oo ay ciyaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here