Nin soo saaray Aalad turjumi karta codadka bisadaha

0
239

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Injineer hore uga shaqeyn jiray shirkadda Amazon, islamarkana ka caawin jiray dhanka codadka Alexa ayaa soo saaray Aalad ama (app)fasiriya codka ama Ci’da Bisadaha.

Aaladan oo lagu magacaabo Miao Tok ayaa duubaysa codka Bisadda ka dib-na go’aan ka gaarsa oo turjumaya micnaha shanqarta iyo codka ka soo baxaya Bisadda.

Qofka iska leh Bisadda ayay arrintan waxyaabo badan ka caawinaysaa, isaga oo ogaanaya qaar ka mid ah waxyaabaha ay Bisaddiisa u baahan tahay.

Aaladan ilaa iyo imika waxay turjumi kartaa 13 Jumlo oo ay ka mid yihiin “I quudi!”Gaajo ayaa i haysa!” iyo”Banaanka iga mar!”

Cilmibaarid la sameeyay ayaa muujinaysa in Bisadaha sida bina’aadamka oo kale aysan wadaagin luuqada ay isku gartaan.

Bisad kasta codkeedu waa gaar, waxaana aaladdan loo sameeyey si uu codka gaarka ah ee bisadda u macnayn karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here