Maalinta Musqulaha Aduunka Oo Maanta Lagu Xusey Degmada Baydhabo

0
208
Baydhabo(Radio Arlaadi)- Munaasabad Lagu Xusayey Maalinta Musqulaha Aduunka 19 November Ayaa Maanata Lagu Qabtey Magaalada Baydhabo Ee Xaruunta Gobolka Baay, Iyadoo Laweeyneynaayo Munasabada Maalintan Ayaa Waxaa Wasaaradda Tamarta Iyo Kheyraadka Biyaha KG Oo Kaa Shaneysa Wasaaradda Caafimaadka KG Iyo Qaar Kamid Ah Hay’adaha Ka Howlgala Magalada Baydhabo Waxaa Ay Sabuuno , Biyo Iyo Qalab Kale Oo Loo Isticmaalo Musqulaha Ay Gaarsiyeen Qaar Kamid Ah Barakacayasha Magalada Baydhabo.
Waxaana Munasabada Goob Joog Ka Ahaa Musuuliyiin Ka Socotay Wasaaradda Cafimaadka, Wasaaradda Tamarta Iyo Kheyraadka Biyaha KG iyo Saraakiil Ka Socotey, Hay’adaha Samafalka.
Sido Kale Dadka Barakacayaasha Ayaa Loo Sameeyay Wacyi Galin Dhanka Nadaafada ah Gaar Ahaan Musqulaha Iyadoona Halkaasi Looga Sheekeeyay Dadka Barakacayasha Ah Muhiimada U Leedahay Isticmaalaka Musqusha.
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here