Xulka France Oo Garaacay Xulka Sweden & Portugal Oo Guul Wakhti Dambe Ah Ka GaadhayCroatia.

0
243

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xulka France ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay xulka Sweden xilli uu xulka Portugalguul wakhti dambe ah ka gaadhay 10 xiddig oo Xulka Croatia Ah.

France Vs Sweden:

Xulka Sweden ayaa xulka France ee iska xaadiriyay wareega Semi-final-ka tartanka UEFA Nations League kaga naxsaday gool wakhti hore ah.

Xulka Sweden ayayna wakhti dheer ku qaadan in uu hogaanka u qabto ciyaarta kadib markii ay daqiiqadii 4-aadba dhaliyeen goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Viktor Claesson.

Xulka France ayaan khal-khalin kadib goolka wakhtiga hore ah laakiin waxa ay u ciyaareen si dagan iyaga oo raadinayay goolka waliba ciyaarta si fiican u maamulayay.

Dhanka kale xulka Sweden ayaa daafac galay iyaga oo qaadayay weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonayeen in ay ku sii dheeraystaan hogaanka.

Laakiin Daqiiqadii 16-aad ayuu xulka koobka adduunka ku guulaystay dhaliyay goolka 1-aad ahna goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Olivier Giroud kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Xulka France ayaa daqiiqadii 36-aad dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Benjamin Pavard kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Qaybtii dambe ayuu France si dar-dar leh ku bilowday waxana ay daqiiqadii 59-aad dhaliyeen goolka 3-aad iyaga oo uu u dhaliyay Olivier Giroud kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Xulka Sweden  Ayaa goolka 2-aad ee ciyaarta dhaliyay daqiiqadii 88-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Robin Quaison kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2

Xiddiga Kingsley Coman ayaa daqiiqadii 90+3 dhaliyay goolka 4-aad ee xulka qarankiisa isaga oo xulkiisa ku hogaamiyay guul ay u qalmeen.

Croatai Vs Portugal:

Dhanka kale xulka qaranka Portugal guul wakhti dambe ah ka gaadhay xulka qaranka Croatia Kuwaas oo 40 daqiiqo 10 xiddig ku ciyaarayay.

Xulka Croatia ayaa daqiiqadii 29-aad ku hor maray goolka kadib markii uu xiddiga Mateo Kovacic dhaliyay goolka 1-aad ee xulka Croatia.

Xulka Portugal ayaa daqiiqadii 53-aad dhaliyay goolka dhaliyay kadib markii uu xiddiga Ruben Dias u dhaliyay goolka kana dhigay 1/1.

Saaxiibada Ronaldo ayaa daqiiqadii 61-aad dhaliyay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Joao Felix kaas oo ciyarta ka dhigay 2/1.

Laaakiin xiddig chelsea ee Mateo Kovacic ayaa dhaliyay goolka bar-haraha isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/2 uu xulka qarankiisu ugu soo laabtay ciyaarta.

Xilli ay ciyaartu u muuqatay mid ku dhamaanaysa bar-baro ayuu xulka Portugal dhaliyay goolka guusha iyaga oo uu u dhaliyay daafaca Ruben Dias kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here