Kooxda Real Madrid oo dhaqan galineysa mushahar dhimis cusub

0
268

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay markale dhaqan galineyso mushahar dhimis darajo sare ah oo si toos ah u sameeyneysa xiddigaha kooxda iyo shaqaalaha kaleba.

Majaladda ABC ayaa qortay in maamulka Los Blancos oo uu hoggaaminayo Florentino Perez ay soo rogayaan mushahar dhimis gaareysa 15% oo laga jarayo xiddigaha kooxda waaweyn, xiddigaha kooxda dhalllinyarada, kooxdeeda kubadda koleyga iyo agaasimahayaasha heerarka kala duwan ee kooxda.

Madrid ayaa bishii Abriil 10% mushaharka ka dhintay xiddigaheeda kooxda koowaad, waxaana taasi ay u keydisay 39 milyan oo euro, haddii ay hadda dhaqan galisana mushahar dhimista cusub ee ah 15% waxaa la filayaa inay u baajiso 58 milyan oon euro oo qasnaddooda ka bixi lahaa.

Saameynta ugu weyn ee horseedday Real Madrid dhaqaale xumida waa inaysan taageerayaasheeda iibsaneyn tikidhada garoonka maadaama xanuunka Korona Fayras dartiis aysan garoommada usoo xaadiri karin, inkastoo taasi ay abuurtay fursad ay dib ugu dhisto garoonkeeda caalamiga ah ee Bernabeu iyagoo si ku meel gaar ah ugu ciyaaraya gegeda Alfredo Di Stefano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here