Luis Enrique oo ammaanay Sergio Ramos kaddib kulankii Netherlands

0
234

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Tababaraha xulka qaranka Spain ee Luis Enrique ayaa ammaanay kabtanka xulka iyo kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos, kaddib kulankii saaxiibtinimo ay xalay la ciyaareen dhigooda Netherlands, kaasoo ku soo dhamaaday barbardhac 1-1 ah.

Tababare Luis Enrique ayaa ciyaarta kaddib la hadlay warbaahinta wuxuuna yiri:

“Sergio Ramos waa ciyaaryahan gaar ah, wuxuu muujiyay inuu yahay ciyaaryahan gaar ah ee heysta qaab ciyaareed gaar ah”.

“Waxaan la ciyaarnay koox aad u adag, waana kulan adag, laakiin waxaan halkaas ku soo qaadanay waqtiyo cajiib ah, si guud waxaan ku qanacsanahay waxqabadka kooxda”.

Intaas kaddib Tababaraha xulka qaranka Spain ee Luis Enrique ayaa ka hadlay weeraryahanka kooxda Juventus ee Álvaro Morata, wuxuuna yiri:

“Aad ayuu u fiicnaa kulankan, aad ayey u fiicantahay inuu dib u helo kalsoonidiisa, isla markaana uu isku kalsoonaado”.

“Kulankan waxay iga caawin doontaa cida aan ku tiirsanaan karo xilliyada soo socda, ciyaartan waxaan abuurnay fursado qaar laakiin wax wal wal ah kama qabo taas”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here