Arsenal Oo Wadahadalo La Furtay Xiddiga Ay Saxiixeeda Ugu Horeeyo Ka Dhigayso Suuqa January.

0
239

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadal la yeelato wakiilada xiddiga khadka dhexe ee kooxda Red Bull Salzburg Dominik Szoboszlai si ay ula soo wareegaan bilowga sanadka 2021 ee suuqa January.

Xiddiga 20 jirka ah ayay Arsenal u doonaysaa badalka xiddiga kooxda Lyon ee Houssem Aouar kaas oo lala xidhiidhinayay suuqii xagaaga oo dhan.

Arsenal ayaa Dominik Szoboszlai u aragta xiddig uga jaban Aour waxana ay wadahadalo la qaadatay wakiilkiisa si ay ugu dhaqaaqaan suuqa Jnauary.

Wakiilka Dominik Szoboszlai ayaa horay u sheegay in uu xiddiga uu wakiilka u yahay xiiso ka helayo kooxo ay ka mid yihiin Arsenal.

Dominik Szoboszlai ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxdiisa xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 5 gool iyo 9 caawin tartamada oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here