Hordhac: Everton Vs Man United

0
261

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Man United ayaa Everton ka hor tageysa iyada oo dooneysa in wadada guusha ku soo laabtaan ka dib guul daradii horyaalka iyo Champion-ka

Xogta Kulanka :

Labadii kulan ee xilli ciyaareedkii hore waxa ay ku kala baxeen bar bar dhac min hal gool ah xili Everton ay labada jeerba ay ku horeysay goosha

United Kaliya waxa ay badiyeen sedex kulan 12-kii kulan ee ugu dameeyay horyaalka ee ay ku soo ciyaareen garoonka Goodison Park , afar jeer bar bar dhac ayay  galeen halka shan jeerna ay la kulmeen guul darro.

Everton  Kaliya hal kulan ayay guul dareysteen iyaga oo garoonkooda tan iyo markii xilka laga qaaday  Marco Silva bishii December

Tababare Ancelotti kaliya hal kulan ayuu ku hor kufay Man United ka dib 5 kulan oo horyaalka ah oo uu ka hor taga , sedex waa  uu badiyay halka midna uu galay bar bar dhac

United haddii kulankaan ay badiyaan waxa ay u noqoneysaa markii 7-aad ee xariir ah ee horyalka ah ay banaanka garoonkooda ku soo badinayaan tan iyo sanadkii 1993-dii

Rashford waxa uu ku fashilmay in wax gool ah uu ka dhaliyo Everton ka dib 9 kulan oo uu ka hor tagay dhamaan tartamada.

Ole Gunner waxa guul ah ma gaarin ka dib afar kulan oo horyaalka ah ee uu tababare ahaan kaga hor tagay Everton isaga oo United jooga iyo Cardif City

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here