Haweenka uurka leh ee qaba COVID-19 oo khatarro badan wajihi kara

0
241

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Haweenka uurka leh ee uu ku dhaco cudurka COVID-19 waxay ay khatar ugu jiraan inay si daran u xanuunsadaan oo ay u dhintaan cudurka, waxayna halis dheeraad ah ugu jiraan dhalmada xilliga hore, sida lagu sheegay labo daraasad oo ay soo saartay Isniintii Xarunta Xakamaynta iyo Ka hortagga Cudurrada Mareykanka.

In kasta oo halista guud ee jirrada daran ama dhimashadu ay weli hooseyso, cilmi-baarayaasha CDC waxay ogaadeen in haweenka uurka leh ee qaba Koroona feyras ay u badan tahay inay u baahanyihiin daryeel deg-deg ah, hawo-qaadasho iyo taageerada wadnaha iyo sambabada ah marka loo eego haweenka aan uurka lahayn ee qaba fayraska.

Warbixin gaar ah ayaa lagu ogaaday in heerka dhalashada ilmaha ka hor xilligoodii ay la micno tahay marka ilmuhu dhasho ka hor 37 toddobaad xilligii loogu tala galay ay tahay 12.9%

Tani ayaa la micno ah in dhimshada cudurka Covid-19 ee haweenka uurka leh ay tahay 12.9% wadarata guud ee dadka u dhintay cudurkaan.
Cilmi-baarista cusubi waxay ifineysaa caddeyn sii kordheysa oo muujineysa in haweenka uurka lihi ay ku sii kordhayaan halista marka ay timaaddo Covid-19, ayay tiri Dr. Denise Jamieson, oo ah Guddoomiyaha waaxda haweenka iyo dhalmada ee Jaamacadda Caafimaadka ee Emory.

Jamieson waxay sidoo kale caddeysay in dhallaankoodu ay halis ku jiraan, xitaa haddii dhallaanku uusan qabin cudurka.

Mid ka mid ah warbixinnada ayaa xustay in cilmi baarayaashu ay dib u eegeen xog ku saabsan 461,825 haween ah oo da’doodu u dhaxayso 15 iyo 44 jir oo laga helay cudurka ‘Covid-19’ intii u dhaxeysay Janaayo 22 iyo Oktoobar 3 sanadkaan 2020, Waxay diiradda saareen oo keliya kuwa la kulmay astaamaha COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here