Maamulka Gobalka Banaadir Oo maanta Magaalada Muqdisho ku qabtay shir looga Hadlayo Maareynta Biyaha .

0
279

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Shirkan ayaa ahaa mid lagu falanqeynaayay sidii Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya ay u noqon laheyd mid aan Wadooyinkeeda biyo fadhiisan xiliyada ay da’ayaan roobabka, waxaana kulanka ka soo qeyb galeen Kusimaha Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Axmed Hassan Iimaan, Wasiirka Howlaha Guud ee Dowladda Soomaaliya iyo Qaar ka mid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Inta uu socday shirka waxaa looga arinsanaayay  qorshaha guud ee maareynta biyaha magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo bandhigay fikrado kala duwan .

Warkan waxaa inoo haya Abdirahman Yusuf Hassan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here