Shacabka india oo loogu baaqay isticmaalka sokor badan

0
280

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Shirkadaha soo saara sokorta ee dalka Hindiya ayaa dalkaas ka billaabay olole ay ku dhiirrigelinayaan dadka dalkaas inay cunaan sokor badan.

Ururka ay ku bahoobeen shirkadahan (ISMA) ayaa sheegay inay doonayaan inay meesha ka saaraan fakradaha laga aaminsan yahay sokorta iyo saameynta ay caafimaadka ku leedahay.

Celcelis ahaan, dadka Hindiya waxay cunaan 19kg sanadkii, taas oo ka hooseysa inta caalamka laga cuno.

Welina, Hindiya waa dalka ugu weyn dunida ee laga cuno waxyaabaha macmacaan.
Wax soo saarka Hindiya ayaa la filayaa inuu kor u kaco 13% sanadkan oo uu gaaro 31m oo tan, balse dowladda ayaa sheegtay inay joonin doonto lacagaha ay ku kabto dhoofinta sokorta si loo iibiyo inta haatan bakhaarrada ku jirta.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ka walaacsan shirkadaha cabitaannada iyo cuntada ku dara waxyaabo ay ku sheegaan inaysan sokor lahayn, oo ay xitaa ku daraan malabka iyo khudradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here