Sergio Ramos Oo Isku Qoray Taariikhda Real Madrid Kadib Kulankii Inter Milan.

0
286

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Daafaca kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa isku qoray taariikhda kooxda Real Madrid isaga oo ku biiray Halyeeyo kooxda ah kadib markii uu dhaliyay goolkiisii 100-aad ee Los Blancos.

Daafaca ayaa gool madax ah dhaliyay kulankii ay Real Madrid guusha 3/2 ah ka gaadhay kooxda Inter Milan kulan champions League ahaa.

Daafaca 34 jirka ah ee Sergio Ramos ayaa noqday xiddigii 19-aad ee dhaliya goolkiisii 100-aad ee kooxda Real Madrid.

Xiddigii hore ee kooxda Sevilla ayaa kooxdiisa u ciyaaray 569 kulan isaga oo cel-celis ahaan dhaliyay ugu yaraan 3 gool kulan kasta tartamada oo dhan tan ilaa marki uu 15 sano ka hor yimid kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here