Ingiriiska oo Markale Bandow Galaya COVID-19 Awgii

0
283

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska, Boris Johnson ayaa ku dhawaaqay in uu mar labaad dalkiisa geliyay bandow xanuunka COVID-19 oo dalkaas kusii laba-lixaadsanaya awgii.

Johnson oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in albaabada la isugu dhufto dukaamada lagu iibiyo badeecooyinka aan daruuriga ahayn, iyo goobaha la isugu yimaado muddo afar todobaad ah oo ka bilaabanaysa Khamiista soo socota.

Bandowga uu ra’iisul wasaaraha soo rogay ayaa socon doona tan iyo 2-da bisha December ee dabayaaqada sanadkan.

Makhaayadaha cunnooyinka ayaa loo oggolaaday in macaamiishooda ay adeegyada ugu geyn karaan guryahooda, waxaa Iyana xusid mudan in albaabada loo laabay baararka khamriga lagu cabbo.

Bandowgan ayaa ka duwan kii ka horreeyay maadama xukuumaddu ay ay dugsiyada iyo jaamacadaha u oggolaatay in howlahooda waxbarashada ay si caadi ah u sii wataan.

Tallaabada bandowga ah ayaa timi kaddib kaddib markii bukaannada uu qaba xanuunka COVID-19 ee dalkaasi ay kor u dhaaftay hal milyan oo bukaan.

28-kii maalmood ee la soo dhaafay Britain ayaa diiwaan-gelisay in 326 qof ay dalkaasi ugu geeriyoodeen xanuunka Korona awgiis.

Britain ayaa noqonaysa dalkii sagaalad ee tirada bukaannadiisa ee COVID-19 ay dhaafaan hal milyan qof waxaana kaalimaha hore ku jira Mareykanka, Hindiya, Baraasiil, Ruushka, Faransiiska, Isbeyn, Arjantiin iyo Kolombiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here