Bukaannada COVID-19 ee Afrika oo ay Tiradoodu Dhaaftay 1.7 Milyan oo Qof

0
293

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xarunta ka Hortagga iyo Xakamaynta Xanuunnada ee Afrika “Africa CDC” ayaa sheegtay tirada bukaannada Afrika ee qaba xanuunka COVID-19 ay haatan marayso 1.7 milyan oo qof.

Xarunta ayaa sidoo kale sheegaty in xanuunku u galaaftay nolosha in kabada 41.000 oo qof oo Afrikaan ah

Dalalka Koofur Afrika, Masar, Marooko, Itoobiya iyo Nayjeeriya ayaa ah dalalka ugu badan ee uu dadkooda haleelay xanuunka.

Qaaradda Afrika oo kal hore la kacaa kufeysay culeysyo dhaqaale xumo, jahawareer siyaasadeed, baahiyaha asaasiga ah ee dadweynaha oo badankood aan dhamaystirnayn ayaa haatan marti u noqotay xanuunkan safmarka ah ee dunida saameeyay kaas oo la rumaysanyahay in u uku reebi doono dakharro waaweyn oo eelkooda muddo sii jiri doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here