Bangiga Adduunka oo Sheegay Hoos u Dhac Dhaqaale oo Ku soo Food leh Soomaaliya

0
293

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Bangiga Adduunka ayaa sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu hoos u dhacayo sanadkan 2.5% iyada oo lagu waday in uu sameeyo koror dhan 3.2%.

Hoos u dhaca dhaqaalaha dalka ayuu bangigu ku sababeeyay saamaynta xanuunka COVID-19 uu ku yeeshay dalka.

Marka laga soo tago xanuunka COVID-19, hoos u dhaca ku yimid dhaqaalaha gobolka Geeska Afrika ayaa loo sababeeynayaa fatahaadaha ka dhacay sanadkan gobolka iyo waxyeellada uu dalagga beeraha u geysteen mowjadihii ayaxa ahaa ee ku habsaday dhul beereedka gobolka.

Bangiga ayaa sheegay in xanuunka uu sii kordhiyay hoos u dhaca dhaqaalaha ee Soomaaliya sidoo kalena uu sare u qaaday saboolnimada sanadkan 2020-ka.

Waxaa kale oo uu bangigu hoosta ka xarriiqay in la saadaalinayo in dhaqaalaha Soomaaliyo uu kordho 2.9 % ama 3.2% hase yeeshee xayiradaha oo sii socda ayaa saadaasha si kale u dhigi kara.

Bangiga ayaa sidoo kale sheegay in khilaafyada siyaasadda ee arrimaha doorashooyinka ay saamayn lixaad leh ku yeelan karaan in uu dhaqaaluhu hoos usii dhaco.

Sidoo kale weerrarada kooxda al-Shabaab iyo adeegyada caafimaad ee dalka oo liita ayuu sheegay bangigu in ay raad ku yeelan karaan xanuunka Korona oo dalka kusii raaga taasina ay sababi karto dhaqaalaha oo markale sii liica.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here