Hordhac: Juventus Vs Barcelona: Xogta & Xaqiiqooyinka Kulanka Xiisaha Leh Ee Dhexmari Doona Labada Kooxood.

0
307

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kulanka ugu xiisaha badan champions League todobaadkan ayaa ah midka ay wada ciyaari doonaan kooxaha Juventus iyo Barcelona kulan ka tirsan todobaadkii 2-aad ee wareega Group-yada.

Inkasta oo ayna Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi isaga hor iman doonin sabab la xidhiidha in uu Ronaldo xanuunka Korona ku seegi doono hadana kulanka ayaa xiiso gaar ah yeelan doona.

Labada kooxood ayaa kulanka soo galay iyaga oo guulo ku bilowday tartanka kulamadoodii hore ee ay ka ciyaareen tartanka.

Kulanka: Juventus Vs Barcelona

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Juventus Staduim

XAQIIQOOYIINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona midkii 14-aad ee ay Barcelona iyo Juventus isaga hor yimaadaan kulan Rasmi ah xilli kooxda Juve ku fashilantay in ay gool dhaliso 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Barca.

Juventus ayaan guuldaro la kulmin 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Barcelona kula ciyaartay garoonkeeda tartamada oo dhan iyaga oo hal guul gaadhay mid kalena bar-baro la galay.

Rikoodhka 6-da kulan ee ayna Juventus guuldarada kala kulmin kulamada Barcelona ee garoonkeeda ayaa ah rikoodhka ugu fiican ee ay ku leedahay koox yurub ah.

Kooxda Barcelona ayaa haatan guuldaro la’aan ah 6 kulan oo ay la ciyaartay kooxaha reer Italy Tartanka champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here