Hordhac: Man United Vs RB Leipzig

0
392

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda Man United ayaa marti galinaysa kooxda RB Leipzig kulan adag oo ka dhici doona Old Trafford kana tirsan todobaadkii 2-aad ee wareega Group-yada champions League.

Kooxda Man United ayaa kulanka soo galaya iyaga oo guul ka soo gaadhay kooxda PSG kulankii hore waliba si qurux badan u soo ciyaaray.

Dhanka kale kooxda RB Leipzig ayaa kulanka soo glaysa iyaga oo guul ka soo gaadhay kooxda Ä°stanbul BaÅŸakÅŸehir goolal-na ku hogaaminaya Group-ka.

Kulanka: Man United Vs RB Leipzig

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxaha Man United iyo RB Leipzig ayaa wada kulmi doona markii ugu horaysay kulan tartamada yurub ah gaar ahaan tartanka champions League.

Kooxda Man United ayaa kaliya hal kulan badisay 4-tii kulan ee ugu dambaysay ee tartamada yurub la ciyaartay kooxaha reer Germany.

Man United ayaan guuldaro kala kulmin 10-kii kulan ee ay tartamada yurub ka hor tagtay kooxaha reer Germany.

RB Leipzig ayaa badisay labadii kulan ee ay tartamada yurub kaga hor tagtay kooxaha reer England iyada oo aan wax gool ah laga dhalin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here