Kuuriyada waqooyi oo dadkeeda ku amartay inay guryahooda joogan.

0
238

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kuuriyada Waqooyi ayaa dadkeeda uga digtay inay guryaha joogaan, sababo la xiriira cabsi laga qabo in “busta jaallaha” ee ka imaaneysa Shiinaha ay sidi karto coronavirus.

Waddooyinka caasimadda dalkaas ee Pyongyang ayaa la sheegay inay marnaayeen shalay, kaddib digniintaas.

Kuuriyada Waqooyi ayaa hore u sheegray in dalkeeda uusan ka jirin coronavirus, balse feejignaan dheeri ah ayay muujineysan tan iyo bishii January, iyadoo xirtay xudduudaheeda isla markaana xaddidday dhaqdhaqaaqa dadka.

Ma jiro xiriir la ogyahay oo ka dhaxeeya busta xilliyada qaar kacda iyo Covid-19.

Busta jaallaha ah waxaa loola jeedaa habaaska ka imaanaya lama degaanka Mangolia iyo Shiinaha, kuwaas oo soo gaara Kuuriyada Waqooyi iyo tan Koofureed, xilli ka mid ah sanadka. Waxaa la sheegay inay tahay bus wadata sun, taas oo walaac caafimaad ka abuurtay dalalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here