Paris oo Bandow Lagu Soo Rogay

0
284

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa sagaal magaalo ay ku jirto caasimadda Paris kusoo rogay Bandow afar todobaad ah kaas oo lagu xakamaynayo faafitaanka xanuunka COVID-19.

Sagaalka magaalo ee bandowga lagu soo rogay ayaa kala ah, Paris, Lille, Rouen, Saint-Etienne, Toulouse, Lyon, Grenoble, Aix iyo Montpellier.

Mudane Macron ayaa sheegay in badowgani cusub uu billaaban doono 9:00 fiidnimo soconna doono ilaa 6:00 aroornimo laga bilaabo Sabtida soo socota.

Madaxweynaha ayaa dadweynaha dalkiisa ugu baaqay in dhammaantood ay waajib iska saaraan sidii loo joojin lahaa faafitaanka xanuunka.

Sidoo kale dalka Faransiiska waxaa looga dhawaaqay xaalad caafimaad oo degdeg ah xilli tirada dadka qaba xanuunka COVID-19 ee dalkaas ay gaartay 22,951 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here